10 Ganacsi oo aad ku bilaabi kartid wax ka yar $100

Wali ma ku Hamiday inaad yeelato Ganacsi ku gaara? Ma ku Qabsatay Caqabad dhaqaale yari.

Halkan waxaan kugula wadaagi doona 10 Ganacsi oo aad ku bilaabi kartid $100 Sidoo kale aad gurigaaga ku dhex qabsan kartid.

  1. La taliye ( Consulting)

Hadii aad leedahay khibrad iyo aqoon ku taxaluqda aqoon gaara, sida la taliye sharci iyo la taliye ganacsi waxaad samayn kartaa goob latalin oo ku gaar ah.

Kharashka ugu badan ee kugu baxaya wuxuu noqon doona iib geynta iyo xidhiidhka dadweynaha. Waxaanad u baahantahay website iyo kaadhadhka ganacsiga (business cards).

  1. Bare

Waxa jira arday badan oo ubaahan in laga caawiyo maadooyin badan , laga soo bilaabo dugsi hoose ilaa dugsi sare , hadii aad leedahay aqoon baranimo , waxaad bilaabi kartaa goob ku gaar ah businesskan kaagama baahna lacag  badan .

  1. Muqaalo Youtube (youtube Vlogs)

Hadii aad haysatid laptop , tablet iyo mobile camerad leh waxaad bilaabi kartaa sameynta muuqaalada adoo soo dhigi doona barta youtubeka , adigoo ku gudbin kara aqoontaada halkaas oo aad ku xidhan kartid xayaysiisyada googleka.

  1. Muruq maal (Handyman)

Haddii aad awoodid inaad sameyso dayactirada yar ee guryaha , sida inaad hagaajiso Goobaha laydhka ee xumaada iyo xidhitaan qalabyada guriga kani waa ganacsi kale oo aad bilaabi kartid .

  1. Maareynta Baraha Bulshada. (Social Media Management)

Ganacsatada iyo shakhsiyaadka caanka ah ayaa had iyo jeer ilaashada inay gacanta ku hayaan bulshada si ay u gaadhsiiyaan xogo iyagoo dhex maraya baraha bulshada ganacsiyo badan aya bixin doona $500 ama ka badan bishii.

  1. Maamulka Mashaariicda ( Project Management)

Sida aynu wada ognahay Badanka ganacsiyadu ma laha maamulayaal mashariiceed oo shaqada dhaxdeeda taas oo macnaheedu yahay in mashruucyadu si dhakhso ah uga bixi karaan jidka.

Shirkaduhu waxay badanka xiseeyaan inay shaqaaleeyaan maareeyayaasha mashruuca si ay shaqaalahoodu u noqdaan qaar wax soosaar fiican yeesha..

  1. Qorida Arjiyada Shaqada (CV)

Dad badan waxa ku adag qorida Codsi shaqo oo Heerkiisu sareeyo , taas oo sababta inay waayaan shaqooyin badan oo ay heli lahaayen , hadii aad karti u leedahay curinta Codsi shaqo oo fican waxay ku noqon qartaa ganacsi aad faaido kasamayso , Ganacsiga noocan ah lacag badan kaagama baxayso .

  1. Hagaha Dalxiiska ( Tour Guide )

Haddii aad dhulka u kala taqaanid si fiican , waxaad bilaabi kartaa inaad sameysid ganacsi dalxiisayaasha ka caawiya goobaha ay doonayaan.

  1. Qorsheynta Xafladaha ( Event Planner)

Hadii Aad Tahay Qof U Diyaarsan Sameynta Qorshayaasha Iyo Diyaarinta Xafladaha Waxaad Bilaabi Kartaa Ganacsi Dadka Ka Caawiya In Xafladahooda Loo Qorsheeyo Sida Xafladaha ( Dhalashooyinka , Meherada , Aroosyada ,Xafladaha Kale Ee Ganacsi)

  1. Turjumaan

Ganacsiyo badan ayaa u baahan Cid ka caawisa luuqado kaladuwan marka ay suuqyada soo galayaan waxaad bilaabi kartaa ganacsigan hadii aad leedahay aqoontan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This website uses cookies. By continuing to use this site, you accept our use of cookies.